Wasiirka wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale oo shalay ka qayb galay munaasabaddii lagu soo xiriyay tartankii Qur’aanka ee gobolka Waqooyi Bari oo lagu soo gabagabeeyay Mandera ayaa xoolo dhaqatada gobolkaasi ku boorriyay in aynan ka soo horjeedsan qorshaha ay dowladdu doonaysa in sanadka soo socdo ay ku tallaasho xoolaha.
Waxaa uu dhanka kale xusay inuu aad u hooseeyo dadka gobolka Waqooyi Bari ee isku diiwaangeliyay hannaanka cusub ee caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA).
Cabdiqafaar Cumar Ibraahim ayaa qodobkan Mandera ka soo diray