Maxkamadda oo maanta go’aan ka soo saari doonto dacwad ka dhan ah maalgelinta jaamacadaha

0
377

Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu wadaa in ay maanta go’aamiso dacwad lagu doonaya in meesha laga saaro nidaamka maalgelinta jaamacadaha waddanka.
Sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) uu kiiskan geeyay maxkamadda isagoo ku doodaya in hannaankan uu sharci darro yahay oo uunan mudnaan siin ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Chacha Mwita ayaa lagu wadaa inuu go’aan ka soo saaro kiiska uu gudbiyay guddiga KHRC.
3-dii bishii Tobnaad ee sanadkan ayay maxkamaddu soo saartay amarro si ku meel gaar ah u hakinaya hirgelinta qaabkan inta go’aan laga soo saaraya dacwadda ay soo gudbiyeen KHRC, kooxda ka shaqeysa wanaajinta arrimaha waxbarashada ee Elimu Bora iyo dalladda ardayda.
Qaabka cusub ayaa ardayda u kala saaraya shan qaybood oo ku salaysan dakhliga soo gala qoyskooda.
Dowladda ayaa horay tacliinta jaamacadaha ku maalgelin jirtay in hal mar ah la siiyo lacago badan balse nidaamkan cusub ayaa qoondeynta lacagaha ku saleynaya baahiyaha ardayga iyadoo loo maraya deeqaha waxbarashada , amaah iyo inta uu qoyska bixin karo.
Si kastaba ha ahaatee, habkan cusub ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay.
Dadka dhaliilsan ayaa ku doodaya in mashruucan uu ku guuldareystay inuu buuxiyo filashadii ardayda iyo waalidiinta.