Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa agaasimaha cusub ee waaxda dacwad soo oogidda wadankaas u magacawday Sylvester Anthony Mwakitalu.
Mr. Mwakitalu ayaa beddelaya Biswalo Mganga oo toddobaadkii hore loo magacaabay garsoore ku biiraya maxkamadda sare.
Sidoo kale waxaa agaasime ku xigeenka waaxda dacwad soo oogidda loo magacaabay Joseph Pande wuxuuna xilkan kala wareegay Edson Athanas Makallo oo la filayo in xil kale loo dhiibo.
Guddoomiye ku xigeenka booliska Salum Rashid Hamdun ayaa loo magacaabay madaxa waaxda ka hor tagga iyo xakameynta musuqmaasuqa ee (PCCB), xilkan oo uu hayay John Mbungo.