Waxaa xilka guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nyamira loo doortay wakiilkii hore ee deegaanka hoose ee Ekerenyo ,Thaddeus Nyabaro.
Tani ayaa timid ka dib markii uu helay codad gaaraya 22 halka Chrisantals Nyabera oo jagadan kula tartamayay uunan soo hooyin wax codad ah.
Codeynta ayaa xigtay ka dib markii xilka laga xayuubiyay guddoomiyihii golaha hoose ee dowlad deegaanka Nyamira Enock Okero oo lagu eedeyay habdhaqan xumo iyo inuu si wayn ugu xadgudbay dastuurka.
Nyabaro ayaa horay iskaga casilay jagadii wakiilka deegaanka hoose ee Ekerenyo si uu ugu tartamo guddoomiyaha oo uu ugu dambeyn ku soo baxay.