Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa mar kale Israa’iil ku eedeysay in ay diidday codsi ahaa in gargaar baniaadannimo la gaarsiiyo shacabka ku gaajeysan magaalooyinka Beit Hanoon, Beit Lahiya iyo Jabalia.
In ka badan 70 cishe ayay Israa’iil halkaasi ka waddaa duqeymo iyo xannibaad saaran dadweynaha.
Dhanka kale , maamulka Falastiin ee (PA) ayaa howlgallo ka fulinaya xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Tani ayaa la sheegay in looga gol-leeyahay in meesha looga saaro kooxo aan sharciga u hoggaansamin.