Waxaa maxkamadda Mumias la soo taagay qareen ka howlgalo ismaamulka Kakamega oo loo haysto inuu qof macaamiil ah qaab khiyaano ah uga qaatay lacag dhan 3.2 milyan oo shilin.
Qareenka ayaa lagu magacaabaa Beneah Bulialia Wangulu .
Dokumeentiyada loo gudbiyay maxkamadda ayaa muujinaya in isaga iyo tuhmaneyaal kale ay Francis Musungu ka dhaadhiciyeen in ay ka iibiyaan dhul ku yaalla Matungu oo uu qiimihiisu yahay 3.2 milyan.
Falkan ayay ku kaceen 11-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2023-kii.
Qareenka matalaya dhibbanaha oo lagu magacaabo Allan Otsieno ayaa maxkamadda ka codsaday in Francis loo celiyo lacagtii uga luntay geeddisocodkaasi.
Waxaa uu xaakinka sheegay in lacagtan laga soo saaray kaydka dhibbanaha oo ay tahay hanti uu uruurinayay muddo 7 bilood ah.
Garsoore Gabriel Otieno ayaa diiday codsi ahaa in eedeysanaha lagu siidaayo damaanad lacageed.
Waxaa uu xaakinka amray in dacwaddan la dhageysto 31-da bishan 12-aad ee Diseembar si waaxda dacwad oogidda fursad loogu siiyo in ay soo bandhigto caddeymaha loo baahan yahay ee kiiskan la xiriira.