Dowladda oo sheegtay in boqolkiiba 62 uu yaraaday burcadda lo’da ee Waqooyiga Gobolka Rift Valley

0
105

Tallaabooyinka amniga ee dowladda dhexe ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasillonida Waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa horseeday in boqolkiiba 62 uu yaraaday burcadda lo’da.
Waxay dowladda sidoo kale sheegtay in kiisaska dhaca xoolaha ay hoos uga dhaceen 23,668 iyadoo tirada hore ay ahayd 63,054.
Tani iyo markii la billaabay howlgalka loogu magacdaray Maliza Uhalifu ee lagu dabar goynaya falalka amni darro ee ku soo noqnoqday Waqooyiga Rift Valley ayaa horseeday in inta badan lagu guuleystay soo ceelinta xasilloonida goobaha ku yaalla ismaamullada Baringo, Turkana, Samburu, Elgeyo Marakwet, Galbeedka Pokot, Marsabit, Laikipia, Isiolo, iyo Meru.
Waxaa howlgalka Maliza Uhalifu hoggaaminayay taliska waaxyaha amniga ee iskudhafka ah ee kala ah adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo ciidamada difaaca dalka KDF.
Dowladda ayaa sidoo kale ku guuleysatay in laamaha ammanka lagu soo wareejiyo 172 qori oo sharci darro ah iyo 10,173 oo xoolo ah kuwaas oo horraan la dhacay.
Waxaa sidoo kale muddadii uu howlgalka socday la xiray 250 tuhmane oo ay ku jiraan 14 hoggaamiyeyaal siyaasadeed, islamarkaana maxkamadda la soo taagay, kuwaas oo looga shakiyay in ay abaabuleen falalka amni darro ee ku soo noqnoqday Waqooyiga Rift Valley.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki uu sheegay in labadii sano ee ugu dambeeyay uu soo hagaagay amniga si guud Waqooyiga Gobolka Rift Valley tan iyo xilligii la billaabay howlgalka ka dhanka ah burcadda ee Operation Maliza Uhalifu.