Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta gobolka Gedo, oo mar kale laga dareemay dhaqdhaqaaq ay ka waddo dowladda.
Axmad Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolkan, ka dib digreeto uu soo saaray, si uu uga hortaggo dhaqdhaqaaqa dowladda.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamad Xuseen Isaaq (Alqaadi) oo beddalaya Cabdullaahi Shimbir oo hadda ah guddoomiyaha gobolkaasi, balse ka hor yimid Axmad Madoobe, toosna ula saftay dowladda dhexe.
Tallaabada ayaa ku soo aadeyso, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda Gedo ka abaabuleyso dhaqdhaqaaqo ciidan, si meesha looga saaro maamulka Axmad Madoobe.
Dowladda ayaa sidoo kale la soo wariyay in saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maalmaha soo socda ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka Gedo, kuwaas oo billaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan ka dib markii lagu kala baxay dagaalkii Raaskambooni oo ay ku adkaatay Jubbaland, ka dib markii hal maalin lagu soo afjaray ciidamadii lagu daabulay halkaasi.