Kenya Power oo sheegtay in la xalliyay cillad koronto oo xalay ilaa saaka ka jirtay qaybo badan oo dalka ka mid ah

0
141

Shirkadda adeegga korontada dalka ee KPLC ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay si buuxda u xallisay cillad koronto oo xalay saameysay qaybo badan oo waddanka ka mid ah.
Waxay intaasi ku dartay in meelihii caqabaddan laga dareemay ay hadda koronto ka jirto.
Xalay abaare 1.28 daqiiqo ee saq dhexe ee habeenimo waxay korontada ka tagtay qaybo badan oo waddan ka mid ah marka laga reebo goobaha qaar ee gobollada Galbeedka iyo Rift Valley.
Lix saacadood ka dib ayay shirkadda Kenya Power bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan goobihii cilladda korontada sameysay la xalliyay.
Shirkadda Kenya Power ayaa adeegga korontada siisa in ka badan 9.6 milyan oo macaamiil ah oo ku nool dalka sida ay ku daabacday shabakadeeda.
Shirkadda KPLC ayaa dhanka kale kenyaanka ka raalli gelisay cilladdii dhacday.