Golaha wasiirrada oo ansixiyay in guddi loo saaro la tacaalidda dilalka haweenka
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa meel mariyay in la soo dhiso guddi ka shaqeyn doono wax ka qabashada dilalka loo gaysto haweenka iyo gabdhaha .
Guddigan ayaa kaashan doono hoggaamiyaasha diimeed , waalidiinta, dugsiyada , laamaha ammaanka iyo dhammaan daneeyayaasha kale si loo ogaado dulduleellada dhanka dhaqangelinta xeerarka iyo arrimaha bulshada ee sababaya in haweenka la bartilmaameedsado.
Waxaa uu golaha wasiirrada hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uu soo magacaabaya guddigan ka dibna waajibaadkiisa si rasmi ah loogu soo daabici doono wargeyska dowladda.
Kooxdan ayaa laga doonaya in ay talooyin dhaqan-gal ah ku soo gudbiyaan muddo 90 cishe gudaheeda ah.
Dhanka kale, golaha wasiirrada ee waddanka ayaa kal-fadhigiisi shalay ku ansixiyay hindise sharciyeed ku aaddan in madaxweynaha la doorto uu si habsami leh xafiiska ula wareego.
Waxaa hindise sharciyeedkan ku qeexan in ganaax lacageed oo ah ilaa 10 milyan oo shilin mise 10 sano oo xabsi ah ama labaduba ay muteysanayaan shaqaalaha dowladda ee isku daya in ay carqaladeeyaan geeddisocodkan.
Sidoo kale , waxaa qorshahan ku cad in madaxweynaha la doorta iyo ku xigeenkiisa ay helayaan ilaalo la mid ah kuwa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xafiiska banneynaya.