Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in laga gudbi doona caqabadaha ay kenyaanka wajahayaan gaar ahaan helidda daryeel caafimaad tan iyo markii la hirgeliyay caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA oo sidoo kale loo yaqaano Taifa Care.
Waxaa uu sheegay in caqabadaha ay kenyaanka kala kulmeen nidaamka cusub ee daryeelka caafimaadka ay sabab u tahay tignoolajiyadda casriga ah ee la adeegsanaya.
Hadalkan ayuu maanta ka jeediyay shir madaxeedka 11-aad ee dowladda dhexe iyo dowladaha ismaamullada, kaas oo ka dhacay aqalka madaxtooyada waddanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu xusay in laga gudbaya caqabadaha tignoolajiyadda, si loo hubiyo in muwaadin kasta, iyada oo aan loo eegin heerka ama meesha uu ka soo jeeda, uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh oo la awoodi karo.
Waxaa uu kalsooni ka muujiyay in caqabadaha jira ee caymiska cusub la xallin doono dhawaan.