DHAGEYSO:Dowladda oo 4 bilyan u adeegsan doonta tallaalidda 77 milyan oo xoolo ah

0
102

Dowladda dhexe ee dalka ayaa la filayaa inay ku dhawaad afar bilyan oo shilinka waddanka u adeegsato qorshaha ay ku tallaalaysa xoolaha.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doona tallaalidda 77 milyan oo xoolo ah laga billaabo bisha Koowaad ee sanadka soo socdo.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay qorshaha lagu tallaalaya xoolaha.
Waxaa uu sheegay in uunan fahmi karin sababta uu qof uga soo horjeedsan karo in xoolaha laga tallaalo cudurrada.
Dowladda ayaa dhawaan shaacisay in laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2025-ka la tallaali doono 22 milyan oo neef oo lo’ ah.
Qaar badan oo ka mid ah xoola dhaqatada ayaa walaac ka muujiyay sida ay dowladda ugu degdegtay tallaalka xoolaha.

Waxaa sidoo kale tallaalka xoolaha ee dalka ka hor yimid mucaaradka waddanka oo uu ka mid yahay madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.