Askari loo xiray inuu baabuur dhuxul ku siday oo damaanad lagu siidaayay

0
131

Waxaa damaanad lacageed oo ah 100,000 oo shilin lagu siidaayay sarkaal booliis ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu soo oogay dacwad ah inuu baabuurka ku siday 20 kiish oo dhuxul ah.
Askariga ayaa laga qabtay waddada Nakuru-Mogotio ee ismaamulka Nakuru.
Adeegga keymaha ee dalka ee KFS ayaa laga soo xigtay in ay ka war heleen in baabuurka lagu waday dhuxul balse markii ay dalbadeen in gaariga la joojiyo in darawalka uu amarkaasi dafiray balse lagu soo xiray dabagal lagu sameeyay.
Benjamin Wasike, ayaa ah sarkaalka dhanka dembi baarista ee deegaanka Galbeedka Tiaty ee ismaamulka Baringo.
Laamaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in laga qaaday bastoolad ay ku jireen 13 xirmo oo rasaas ah.
Booliiska ayaa sheegay in Wasike loo maxkamadeeyay inuu si qaldan u adeegsaday baabuurka oo uunan oggolaansho la’aan gudbinayay dhuxul.
Dacwadda uu wajahaya ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 23-ka bishan 12-aad ee Diseembar.