Waxaa uu qorshuhu yahay in boqortooyada Jordan lagu qabto shir degdeg ah oo looga arrinsanaya xaaladaha ka taagan dalka Syria.
Waxaa shirkan ka qayb geli doono dibloomaasiyiinta sare ee Sacuudi Carabiya , Ciraaq, Lebanon,Masar, Imaaraatka , Baxrayn , Qatar, Turkiga , Maraykanka , Midowga Yurub iyo qaramada midoobay.
Ergeyga gaarka ah ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan Syria ,Geir Pedersen ayaa sheegay in sawirrada laga soo duubay xabsiga Sednaya Prison iyo meelaha kale ee dadka lagu xiro ay muujinayaan in shacabka Syria ay sanado wajahayeen badowtinnimo aan la suureysan karin.