Dowladda Ukraine ayaa saaka sheegtay in Ruushka uu weerar gantaallo ah ku soo qaaday xarumaha tamarta ee Ukraine iyadoo qaraxyo laga maqlay dekedda Odesa ee Badda Madow iyo magaalooyin kale oo ku yaalla galbeedka dalkaasi.
Ciidamada Ruushka ayaa sanadkan intiisa badan bartimaameedsanayay hannaanka korontada ee dalka Ukraine waxayna ololaha duqeymaha dib u cusbooneysiiyeen bishii hore taasoo sababtay in korontadu ay ka go’do malaayiin shacab ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dagaalka ka dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu socdo ku dhawaad 34 bilood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in Ruushka uu doonaya inuu Ukraine dhigo tamar la’aan balse uu ku celinayo baaqiisi ahaa in si degdeg ah loo gaarsiiyo 20 ka mid ah nidaamyada difaaca hawada ee NASAMS, HAWK iyo IRIS-T .
Markii uu weerarku dhacay, saraakiisha tamarta ayaa ku dhawaaqay korontada oo si degdeg ah u go’aysay muddo dheerna maqnanaysa .
Madaxa fulinta ee shirkadda korontada ee Yasno ayaa sheegay in saaka ay koronto la’aan ahaayeen kala bar macaamiishooda oo ah ilaa 3.5 milyan oo qof.