Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof ka dib markii shil u dhexeeyay mooto iyo bas laga soo tabiyay aagga Salgaa ee ismaamulka Nakuru.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in aroornimadii hore ee maanta uu baska ku dhacay mootada.
Labada ruux ee isla goobta ku geeriyooday ayaa meydadkooda la geeyay qaybta meydadka ee isbitaalka wayn ee Nakuru.
Ciidamada booliiska ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay waxayna durbaba guda galeen baaritaanno dhacdadaasi la xiriira.
Wadayaasha baabuurta ayaa loogu baaqay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.