Kajiado: Nin faraxumeeyay gabadh yar oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
392

Maxkamad ku taalla ismaamulka Kajiado ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday nin lagu magacaabo Dominic Manua oo lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadh 9 sano jir ah.
Waxaa maxkamadda loo sheegay inuu falkan gabadha kula kacay bishii Labaad ee sanadkii 2022-kii.
Garsooraha maxkamadda Kajiado Vicky Kachuodho ayaa sheegay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay caddeeyeen kiiskan.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xustay in marqaatiyaasha kiiskan ku maragfuray ay xaqiiq iyo caddeymo soo bandhigeen.