Dalalka uu ku badan yahay tacaddiga ka dhanka ah xuquuqul insaanka oo la shaaciyay

0
311

Hay’adda caalamiga ee rayidka ee CIVICUS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 50 waddan oo ka hooseeya saxaraha Afrika ay maamullada ka jiro muddo sanad ah ku xadgudbeen xuquuqul aadanaha.
Warbixintan ayaa cinwaan looga dhigay weerarka ka dhanka ah awoodda dadka ee sanadkan.
Waxay hay’addu sheegtay in ilaa afar waddan oo ay Kenya ka mid tahay uu ku yimid hoos u dhac la xiriira ilaalinta xuquuqul aadanaha.
Waddamadan ayaa kala ah Eswatini, Ethiopia iyo Burkina Faso.
Dowladda Kenya gaar ahaan laamaha ammaanka ayaa lagu dhaliilay qaabkii ay uga falceliyeen dibadbaxyadii bartamihii sanadkan ee ka dhanka ahaa dowladda dhexe.