DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo dhallinyaro kala qayb galay xuska 78 guurada Maalinta dhalinyarad

0
419

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed, taasoo aheyd Xuska 78 Guurada halgameyaashii SYL, waxaana uu sheegay in caqabadaha dib dhigay dalka lagaga gudbi karo in dhallinyarad ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii Soomaaliyeed ee SYL ay ka tallaabeen caqabado iyo Jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayay halgankooda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siisay awoodsiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoominta dalka iyo shaqo-u-abuurka, waxaana xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti oo ay ku dhibaataysnaayeen laga soo daayey boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo hada dalkooda si wanaagsan ugu nool.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey inay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la Jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka,Maadaama Wax badan laga bartay Halgankii Taariikhiga ahaa ee dhalinyarada SYL.

Qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee MunaasabadDa ka qayb galay ayaa ka hadlay Faa’iidooyinka Halgankii SYL laga dhaxlay ee dalka gobonimada iyo Horumarka u horseeday.