Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka shiraya duullaanka Israa’iil ee Qaza

0
288

Golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta yeesho shir ku saabsan weerarrada Israa’iil ay ka waddo dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza.
Howlgalladan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu saameynta badna muddo sanado ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ciidamada Israa’iil ay maalinkii Toddobaad duqeynayaan shacabka Qaza.
Weerarro dhanka cirka ah ayaa aroornimadii hore ee maanta lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo Falastiiniyiin ah halka tiro kale oo dhowr ah la dhaawacay.
Ilaa iyo hadda waxaa la dilay in ka badan 149 qof oo u dhashay Falastiin oo ay ka mid yihiin 41 carruur ah halka la dhaawacay 950 kale.
Dhanka daanta galbeed ciidamada Israa’iil waxay ku dileen ugu yaraan 13 qof halka iyagana ay ka dhinteen 10.