Baadariga hoggaamiya kaniisadda Anglican , Jackson Ole Sapit ayaa ku amray madaxa kaniisadda ee ismaamulka Bungoma in uu dib ugu celiyo madaxweynaha qaranka William Ruto deeq lacageed oo uu Axaddii bixiyay.
Lacagtan oo dhan 5 milyan oo shillin ayaa waxaa kaniisadda ku wareejiyay barasaabka dowlad deegaanka Bungoma Kenneth Lusaka oo matalayay madaxweynaha.
Ole Sapit ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid hoos loogu dhigaya sumcadda kaniisadda Anglican.
Sidoo kale waxaa uu raalli galin ka bixiyay falkaasi isagoo tallaabada la qaaday ku tilmaamay mid aan la filan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kaniisadda Anglican-ka aysan aqbali karin lacag aynan ogayn halkii laga keenay.