Guddi gaar ah oo aqalka wakiillada ee Maraykanka uu u saaray inuu dabagal ku sameeyo halkii uu ka soo billowday cudurukii COVID-19 ayaa warbixintiisa ku sheegay in caabuqa uu ka soo dusay shaybaar.
Waxaa warbixinta guddigan ku cad in COVID-19 loo badinayo in uu ahaa shil ka dhacay gudaha shaybaarka oo la xiriiray cilmi baaris la sameynayay.
Warbixinta ayaa ka kooban 520 bog waxaana soo saarideeda lagu howlanaa muddo labo sano ah.
Xubnaha guddiga ayaa eegayay sida dowladda dhexe iyo maamullada gobollada ee Maraykanka ay cudurkii COVID-19 uga falceliyeen, halkii uu ka soo unkamay iyo dadaalladii tallaalka ee ka dhanka ahaa.
Xaaladihii ugu horreeyay ee cudurkan dilaaga ayaa dabayaaqadii sanadkii 2019-kii lagu arkay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee bartamaha Shiinaha.
Caabuqan ayaa si fudud ku dilay in ka badan 7 milyan oo ruux guud ahaan dunida.