Israa’iil oo mamnuucday in Lubnaan dib loogu soo laabto

0
285

Israa’iil ayaa shacabka ka mamnuucday in ay dib ugu soo laabtaan Koonfurta dalka Lebanon oo ay horay uga barakaceen.
Waxaa sidatan sheegay afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Israa’iil Avichay Adraee
Waxaa uu sheegay in ilaa wargelin dambe ay mamnuuc tahay in loo wareego dhanka Koonfureed gaar ahaan tuulooyinka Shebaa, al-Habbariyeh, Marjayoun, Arnoun, Yohmor, Qantara, Chaqra, Baraachit, Yater, Al-Mansouri.
Waxaa uu barta X ku sheegay in cid kasta oo amarkan jebisa ay nafteeda khatar gelinaysa.