Kalonzo oo dowladda ku dhaliilay dib u dhaca ku yimid dhisidda guddiga IEBC

0
284

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee mucaaradka dalka ayaa ku boorriyay dowladda in ay dadajiso geeddisocodka soo dhisidda guddiga madax bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC).
Waxaa uu tilmaamay in arrintan ay tahay mid degdeg ah oo heer qaran ah.
Kalonzo ayaa walaac ka muujiyay dib u dhac ku ku yimid soo dhisidda guddiga IEBC.
Waxaa uu ku andacooday inuu dib u dhaca uu qayb ka noqon karo qorsho dano gaar ah lagu fushan karo ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Madaxa xisbiga Wiper ayaa ku baaqay in diiradda la saaro danta qaranka.
Waxaa ilaa iyo hadda la beddelin saraakiishii sare ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday ee uu hoggaaminayay Wafula Chebukati.