Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ay aad u hooseysa helidda cunnada ee gudaha Marinka Qaza.
Waxay tani imaanaysa iyadoo ay weli halkaasi ka socdaan duqeymaha militari ee Israa’iil.
Qaar ka mid ah shacabka Falastiin ee ku nool Waqooyiga Qaza ayaa cabasho ka muujinaya in aynan gebi ahaanba haysan keyd cunno maadaama ay weli jirto xannibaadda Israa’iil.