Dowladda oo amartay in la xiro qaybaha jiifka ee 348 dugsiyo hoose dhexe oo ku yaalla dalka

0
264

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa amartay in la xiro qaybaha hooyga ee ay ardayda seexdaan ee dugsiyo hoose dhexe oo gaaraya ilaa 348 xarumood.
Xoghayaha tacliinta aasaasiga ah ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in dugsiyadan aysan u hoggaansamin halbeegyada xaqiijinta badqabka ardayda.
44 ka mid ah dugsiyadan la amray in qaybahooda jiifka la xiro waxay ku yaallaan ismaamulka Nairobi, Kisii 16, Kiambu 13, Kericho 26 iyo Nandi oo 15 ah.
Iskuullada la amray in la xiro ee Nairobi waxaa ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee St Hannas, Happyland Academy iyo Don Bosco Primaray.
Dr. Belio Kipsang ayaa faray agaasimayaasha waxbarashada ee heer ismaamul, mid deegaan iyo degmooyinka hoose inay xaqiijiyaan dhaqangelinta amarkan.
Waxaa uu xusay in dib u furista qaybaha hooyga ee dugsiyada la amray in la xiro loo ogolaan doona ka dib marka ay hoggaansamaan shuruucda la dejiyay.
Xoghayaha ayaa carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in waalidiinta lagu wargeliyay go’aankan.
Waxaa uu sheegay in go’aankan la qaatay ka dib kormeer lagu sameeyay iskuullada guud ahaan dalka.