Madaxweynaha qaranka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ku heshiiyeen in la bixiyo lacagaha deymaha ah ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ismaamullada ay bixinayaan 2 bilyan oo shilin halka dowladda sare ay ku kordhin doonto 1.5 bilyan oo dheeraad ah.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay fududeyn doonto in lagu guulaysto caymiska caafimaadka ee Taifa Care.
Hoggaamiyaha dalka ayaa deegaanka Wundanyi ee ismaamulka Taita-Taveta ka sheegay in caqabadaha caafimaadka ee jira ay ka mid tahay in isbitaallada aynan yaallin daawooyin ku filan bukaannada.
Waxaa uu ku celceliyay in maamulka Kenya Kwanza ay ka go’an tahay dhaqangelinta caymiska cusub ee caafimaadka bulshada .