DHAGEYSO:In ka badan 200 oo qoys oo ku barakacay daadadka Kisumu

0
177

Waxaa ismaamulka Kisumu oo ay daadad saameeyeen ku barakacay ugu yaraan 200 oo qoysas ah.
Waxay tani imaanaysa iyadoo weli uu halkaasi ka da’aya roob culus halka uu maalmo ka hor karkaarrada jabsaday webiga Nyando.
Meelaha shacabka ku nool ay saameynta ugu badan ka soo gaartay fatahaadaha waxaa ka mid ah Nyando, Muhoroni, Nyakach, Bartamaha Kisumu iyo Bariga Kisumu.
Qoysaska barakacay oo dowladda ka codsaday in ay gurmad degdeg ah u fidiso ayaa hooy ka dhigtay dugsiyada u dhow ee deegaanadaasi ku yaalla.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay in daadgureyn laga sameeyay Bartamaha Kisumu gaar ahaan Kapuothe, Nanga, Lower Katuoro, Wigwa iyo qaybo ka mid ah Dunga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu burburay dalag lagu beeray dhul uu cabbirkiisu yahay ku dhawaad 100 eekar.