Madaxweynaha xafiiska baneynaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xarigga ka jaray suuqa ganacsiga ee WAAHEEN oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.
Waxaa uu kormeer kooban ku sameeyey dhismeyaasha casriga ah ee suuqa WAAHEEN laga hirgeliyey, ka dib masiibadii dabka ee suuqaasi saameysay horraantii bishii Afaraad ee sanadkii 2022-kii.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa indhihiisa ku arkay dabaqyada dhaadheer ee halkaas laga dhisay iyo sida suuqaasi loogu dhammeystiray.
Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda, ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay in dib loo dhiso suuqan, lagana hirgeliyo dhismeyaal dhaadheer.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweynaha Somaliland oo xarigga ka jaray suuqa WAAHEEN oo dib loo dhisay