Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dhul go’a saameeyay dhowr tuulo oo ku yaalla bariga dalka Uganda.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 20 qof.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dhimashadu ay korortay ka dib markii la soo saaray 19 meydad ah oo dheeraad ah iyadoo mid ka mid ah uu ku dhintay isbitaalka.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in wali la la’yahay dad aan tiradooda la qiyaasin.
Mas’uul ka tirsan degmada Buulambuli oo ah goobta musiibadan laga soo tabiyay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in khasaaraha uu sii kordhi karo.
Waxaa uu xusay in tirada dadka la waayay ay kor u dhaafeysa 100 ruux.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sidoo kale sheegtay in 125 guri ay burburiyeen dhul go’a ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay ugu yaraan 5 tuulo oo ka tirsan deegaanka Bulambuli, oo ah degmo qiyaastii 300 kiilomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda dalka Uganda ee Kampala
Dhul go’a ayaa sidoo kale ku qasbay in ilaa 750 qof ay guryahooda ka barakacaan.