Ciidanka booliiska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa saldhigga Xamar Jajab ayaa soo xiray wiil dhallinyaro ah oo ku eedeysan inuu ku kacay fal anshax darro ah.
Wiilkan dhallinyarada ah ee loo soo xiray falka anshax xumada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamad Cumar oo ah 18 sano jir ku eedeysan inuu xirtay dharka dumarka.
Ninkan ayaa saldhigga Xamar Jajab lagu soo bandhigay isagoo ku labisan dharka dumarka xirtaan ee xijaabka ah, lamana faahfaahin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay wiilkan dhallinyarada ah inuu xirto dharka haweenka.
Ugu dambeynti, booliiska gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday, inay si degdeg ah ula soo wadaagaan laamaha amniga haddii ay arkaan falal liddi ku ah ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.
Home Wararka Soomaaliya Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin ku labisnaa dharka...