Madaxweynaha dalka oo digniin u diray 34 ka mid ah madaxda fulinta ee waaxyaha dowladda

0
368

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 34 ka mid ah madaxda sare ee waaxyaha kala duwan ee dowladda ku eedeyay inay ku guuldareysteen u hoggaansanka awaamiirta la xiriirta in dhammaan adeegyadooda ku bixiyaan hannaanka casriga ee e-citizen, si kor loogu qaado hufnaanta.
Xilli uu maanta ka hadlayay sanadguuradii koowaad ee agaasinka hannaanka casriga e Citizen oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga (KICC) ee magaalada Nairobi, ayuu digniin u diray madaxda fulinta ee hay’adahan dowladda.
Waxaa uu muddo toddobaad gudihiisa u qabtay inay u hoggaansamaan awaamiirtan haddii kale ay wajihi doonaan tallaabo adag oo ay ku jirto xil ka qaadis.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintan ay ka hor yimaadeen awaamiir horraan la soo saaray.
Madaxweyne William Ruto ayaa iftiimiyay baahida loo qabo in dhammaan adeegyada dowladda lagu bixiyo hannaanka casriga ee e-citizen.
Waxyaha ama hay’adaha digniinta loo diray waxaa ka mid ah, shirkadda bixisa adeegga korontada ee Kenya Power, maamulka qaabilsan maareynta adeegyada batroolka iyo tamarta ee dalka ee EPRA iyo maamulka dekadaha waddanka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in casriyeynta adeegyada dowladda ay sare u qaadeysa dadaallada lagu horumarinyo dhaqaalaha waddanka.
Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu fulin doono ballan qaadkiisii ahaa in adeegyada dowladda ay noqdaan kuwa hufan oo lagu kalsoonaan karo.