Senatarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana ayaa sheegay inuu guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ku wargeliyay qorsho uu meesha uga saaray hindise sharciyeed uu horay u gudbiyay.
Hindisahan ayaa ku saabsan xakameynta ururrada diimeed si looga hor tago dhibaatadii laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi oo kale.
Waxaa halkaasi laga helay meydadka in ka badan 400 oo qof oo taabacsanaa baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie.
Senatar Mungatana ayaa sheegay inuu hindise sharciyeedka meesha ka saaraya si wada tashiyo dheeraad ah uu ula yeesho hoggaamiyaasha diimeed ka hor inta aan la soo rogin xeerar adag oo lagu xakameynaya howlahooda.
Waxaa arrintan soo dhaweeyay qaar ka mid ah baadariyaasha kaniisadaha ee dalka.