Shirkadda Adani Group ee laga leeyahay dalka India ayaa sheegtay in uu soo gaaray khasaare hantiyadeed oo ku dhow 55 bilyan oo doollar.
Khasaarahan ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii dowladda Maraykanka ay musuqmaasuq la xiriirisay saraakiisha sare ee shirkaddan.
Adani ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay ee ah in guddoomiyaheeda Gautam Adani iyo saraakiil kale oo la shaqeeya ay bixiyeen laaluush si ay u helaan qandaraasyo.