DHAGEYSO:2 carruur ah oo ku dhintay shil ka dhacay Kirinyaga

0
131

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa raadinaya darawalka baabuur qaad siday kaasi oo jiiray labo carruur ah.
Carruurtan ayay da’doodu kala ahayd 12 iyo 17 sano.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah carruurta uu isla goobta ku dhintay iyadoo midka kalena uu geeriyooday xilli lagu daaweynayay isbitaalka.
Shilkan ayaa xalay ka dhacay aagga Ngurubani ee waddada wayn ee u dhexeysa Mwea iyo Embu .
Taliyaha booliiska ee deegaanka Bariga Mwea, Maxamad Jarso ayaa sheegay in baabuurka qaadka oo si xowli ah loo kaxeynayay uu isku dayay inuu gawaari kale ka horumaro taasi oo shilka sababtay.
Waxaa uu wadeyaasha uga digay in ay baabuurta si xowli ah u kaxeeyaan marka ay marayaan waddooyinka waawayn ee aadka u mashquulka badan.
Dhanka kale , Peter Murunguru oo ka mid ah shacabka deegaankaasi ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.