Omtatah oo doonaya inuu 2027 u tartamo xilka madaxtinnimo

0
161

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa soo saaray guddi ka kooban toban xubnood oo qiimeyn doono inuu sanadka 2027-ka u tartami karo xilka madaxweynennimo.
Waxaa guddigan hoggaaminaysa Mary Kathomi Riungu oo qaabilsan howlaha isku duba ridka.
Waxaa uu guddoomiye ku xigeen u magacaabay Charles ole Kabaiku oo sidoo kale qaabilsan arrimaha qurbajoogta.
Omtatah ayaa arrimaha xiriirka bulshada iyo warbaahinta u xil saaray Hanifa Adan.
Dhanka siyaasadda hoose , qiimeynteeda iyo fursadaha furan waxaa guddigan ku matalo David John Bwakali.
Senatarka Busia ayaa
la-taliyaha dhanka sharciga u magacaabay Victor Kipng’etich si loo xaqiijiyo u hoggaansanka qodobbada dastuuriga ah.
Waxaa guddigan afhayeen u ah Kevin Migwe Kimwatu iyadoo Okiya Omtatah uu doonaya in ay warbixin u soo gudbiyaan.