Cabdi Axmad Maxamuud oo loo magacaabay madaxa fulinta ee guddiga EACC

0
356

Waxaa madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa loo magacaabay Cabdi Axmad Maxamuud.
Cabdi Axmad, ayaa ahaa ku xigeenka madaxa fulinta ee EACC.
Haddii magacaabistiisa uu ansixiyo baarlamaanka, waxa uu beddeli doona Twalib Mbarak oo xilkan hayay tan iyo bishii 1-aad ee sanadkii 2019-kii.
Waxaa uu muddo xileedkiisa oo ka kooban 6 sano ku egyahay bisha 1-aad ee sanadka soo socdo.
Magacaabista Axmad waxaa shaaciyay guddoomiyaha guddiga EACC, David Oginde ka dib turxaan bixin la sameeyay.
Ka hor inta uusan qaban xilka ku xigeenka madaxa fulinta ee EACC, Axmad ayaa soo noqday agaasimaha qaybta baarista ee guddigan.