Madaxa ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee (LSK) Faith Odhiambo ayaa doonaysa in madaxweyne William Ruto uu shacabka la wadaago qarashaadka Kenya uga baxay qandaraasyadii lala galay shirkadda Adani ee laga leeyahay India.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka uu amray in la baajiyo labo heshiis oo shirkaddan kala dhexeeyay KETRACO iyo JKIA.
Madaxa LSK oo bayaan soo saartay ayaa soo dhaweysay tallaabada uu hoggaamiyaha waddanka qaaday.
Waxay sheegtay in go’aanka madaxweynaha ay dani ugu jirto dadweynaha.
Hasa ahaate, waxay dalbatay in la cadeeyo khasaaraha hantiyeed ee qaranka ka soo gaaray heshiisyadaasi.
Home Wararka Kenya LSK oo doonaysa in la faahfaahiyo khasaaraha dhaqaale ee qandaraasyadii Adani ee...