Wasaaradda maaliyadda oo lagu amray dhaqangelinta hannaanka casriga ee qandaraasyada

0
175

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ku amray in ay dardargeliso dhaqangelinta nidaamka elektoroonigga ee qandaraasyada.
Waxaa uu xusay in arrintan uu dib u dhac ku yimid sidaasi awgeedna la doonaya in laga dhabeeyo bisha saddexaad ee sanadka soo socdo.
Ruto ayaa tilmaamay in keliya la ansixin doono qandaraasyada lagu bixiyo qaabkan dhijitaalka ah.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale baarlamaanka iyo aqalka sare ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen meel marinta hindise sharciyeedka daneysiga ee Conflict of Interest Bill.
Waxaa uu sheegay in tani ay carqaladeynaysa dadaallada lagula dagaallamaya musuqmaasuqa.