KenGen oo shacabka ugu baaqday in ay geedo abuuraan

0
61

Shirkadda soo saarta tamarta ee dalka ee (KenGen) ayaa kenyaanka ku boorrisay in ay ka qayb qaataan ololaha geedaha lagu beeraya.
Waxaa baaqan diray madaxa fulinta ee KenGen ,Peter Njenga oo sheegay in shirkadda uu hoggaamiyo ay arrintan ka go’an tahay.
Njenga ayaa sheegay in tobankii sano ee ugu dambeeyay ay beereen in ka badan 3.5 milyan oo geedo ah.
Sanad maaliyadeedkii ugu dambeeyay waxay abuureen 848,000 oo geedo ah.
Peter Njenga ayaa maanta ismaamulka Baringo ka sheegay in badbaadinta deegaanka ay tahay mas’uuliyad wadareed.