Safaaradda Maraykanka ee magaalada Kyiv oo la xiray

0
349

Waxaa la xiray safaaradda ay dowladda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Tani ayaa timid ka dib markii la helay xog ku saabsan in maanta weerar dhanka cirka ah lagu bartilmaameedsan karo safaaradda.
Dhanka kale ,madaxa waaxda sirdoonka dibadeed ee Ruushka Sergey Naryshkin ayaa eedeyn u jeediyay waddamada xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO oo uu sheegay in ay fududeynayaan duqeymaha Ukraine ee gudaha Ruushka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falalkan laga falcelin doono sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka ee RIA.