In ka badan 6 qof oo ku dhintay dab saameeyay Pumwani

0
189

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan booliiska ayaa sheegay in ay dhinteen in ka badan 6 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii uu galinkii dambe ee shalay uu dab saameeyay Kitui Village oo hoos tagto deegaanka hoose ee Pumwani .
Waxaa jiro dhowr qof oo dhacdadaasi ku dhaawacmay oo isbitaalka la geeyay si loo daaweeyo.
Xildhibaanka ayaa tacsi u diray qoysaska , ehellada iyo asxaabta dadkii dabkaasi ku dhintay wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawaca ah.