Madaxtooyada dalka oo sheegtay in madaxweynaha aan loo soo celin lacag uu ku deeqay

0
210

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa hoosta ka xarriiqday in aynan jirin lacag uu guddoomay hoggaamiyaha qaranka William Ruto oo ay dib ugu soo celisay kaniisad ku taalla xaafadda Soweto ee ismaamulka Nairobi oo uu dhawaan ugu deeqay.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta kaniisadda ay shaaciyeen in ay deeqdaasi lacageed oo ah 2.6 milyan oo shilin ay dib ugu celiyeen madaxweynaha iyagoo u hoggaansamaya amarkiisi hore ee ahaa in siyaasiyiinta aynan lacago ka bixin kaniisadaha.
Kaniisadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja dib ugu celinaysa 200,000 oo shilin oo uu siiyay kaniisadda Catholic.