Waxaa ismaamullada waddanka ka socdo qorshaha dadweynaha fursad lagu siinaya in ay aragtidooda ku biiriyaan labo hindise sharciyeed oo la xiriira canshuurta.
Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta ayaa kulamada shacabka ku qabanaya ismaamullo kala duwan.
Qorshahan ayaa shalay ka billowday qaar ka mid ah dowlad deegaanada waddanka.
Qaar ka mid ah shacabka magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa aragtidooda ku biiriyay hindise sharciyeedyada la xiriira canshuurta.
Waxaa hindise sharciyeedyadan ka mid ah isbeddel lagu sameeyay xeerarka canshuuraha si dowladdu ay sanad maaliyadeedkan u hesho dakhli dheeraad oo ah in ka badan 178 bilyan oo shilin.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu daboolo gaabadka miisaaniyadeed ee ka dhashay tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee Finance Bill 2024 ee ay kenyaanka si wayn uga soo horjeesteen si raasimaal loogu helo fulinta mashaariicda horumarineed.