Madaxweynaha Sri Lanka oo soo dhisay golihiisa wasiirrada

0
298

Madaxweynaha dalka Sri Lanka Anura Kumara Dissanayake ayaa maanta soo dhisay golaha wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood.
Tani ayaa timid ka dib markii uu toddobaadkii hore ku soo baxay doorashadii guud ee waqtigeeda laga soo horumariyay ee Sri Lanka ka qabsoontay.
Waxaa uu mar kale xilka ra’iisul wasaaraha u soo magacaabay Harini Amarasuriya.
Amarasuriya oo 54 sano jir ah ayaa sidoo kale hayn doonto xilka wasiirka tacliinta sare iyo farsamada.
Dissanayake ayaan sidoo kale wax isbeddel ah ku sameyn wasaaradaha maaliyadda iyo difaaca.