Tirada dadka ay Israa’iil ku dishay Qaza maalmihii ugu dambeeyay oo gaartay in ka badan 111 qof

0
90

Waxaa lagu soo warramayaa in tan iyo Sabtidii ciidamada militariga ee Israa’iil ay gudaha Qaza ku dileen in ka badan 111 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa sidatan laga soo xigtay ilo wareedyo caafimaad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baadariga ugu wayn ee kaniisadaha Catholic-ga Pope Francis uu ku baaqay in la baaro eedeymaha loo jeediyay Israa’iil ee ah in ay xasuuq shacab ka gaysatay Marinka Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 43,846 ruux halka la dhaawacay 103,740 kale.