In ka badan 72 qof oo lagu dilay Waqooyiga Qaza

0
112

Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 72 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay daar la deggan yahay .
Dhismahan ayaa ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza.
Kooxda difaaca rayidka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in howlwadeenadeeda aynan u suurtagelin in ay aagaasi gaaraan.
Waxay kooxdu intaasi ku dartay inuu jiro dhaawac dhowr ah iyo dad ku hoos xanniban burburka daarta la duqeeyay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, weerarrada ay Israa’iil weli ka gaysanaysa Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 43,846 qof oo u dhashay dalka Falastiin halka la dhaawacay 103,740 kale.