Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza ee talada waddanka haya uunan wax dhibaato ah ku qabin in dadweynaha , madaxda diimeed iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ay la wadaagaan aragtida lagu wanaajin karo waxqabadka dowladda.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Kirinyaga ayuu Kindiki qiray in ay jiraan caqabado ku gadaaman mashaariicda dowladda sida caymiska caafimaadka bulshada ee SHA iyo hannaanka maalgelinta jaamacadaha.
Hasa ahaate , waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay xalliso culeysyada jira iyadoo tixgelinaysa dhaliilaha waxtarka leh.
Waxaa uu sii adkeyay hadalkii shalay ee madaxweynaha dalka William Ruto uu ka sheegay ismaamulka Embu ee ahaa in maamulkiisa uu soo dhaweynaya afkaarta kala duwan si qaranka uu horumar u gaaro.
Dhanka kale,madaxweyne ku xigeenka waddanka Prof. Kithure Kindiki ayaa shacabka ku boorriyey in ay ku dadaalaan midnimada iyo wadajirka.
Waxaa uu dhammaan kenyaanka kula taliyay in ay si nabad ah ku wada noolaadaan .
Kindiki ayaa dalka la barbardhigay qoys uu tilmaamay in xubnaha ka tirsan ay kala aragti duwanaan karaan balse taasi aynan burbur horseedayn.
Dhawaan ayay ahayd markii ururka baadariyaasha kaniisadaha Catholic-ga ee dalka (KCCB) uu dowladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay rajadii kenyaanka oo aynan oofin waxyaabihii ay ballan qaadday.