Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay isku afgarteen in deegaannada kala duwan ee waddanka si siman loogu qoondeeyo raasimaalka mashaariicda horumarineed.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Koonfurta Suba ee ismaamulka Migori ayuu Mbadi sheegay in cadaalad darro laga dheehan karo kheyraadka loo qoondeeyay mashaariicda hadda laga fulinaya ismaamullada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in mashaariic lagu qarash gelinaya 151 bilyan oo shilin halka ismaamulka kaasi dariska la ah ay howshan ku baxaysa 81 bilyan .
Mbadi ayaa xusay in hirgelinta mashaariicda waddooyinka ee Samburu loo qoondeeyay 7 milyan halka Homa Bay, miisaaniyaddan ay ahayd wax ka yar 12 milyan oo shilin.
Waxaa uu ku celceliyay in ay ka go’an tahay sidii loo sixi lahaa qaladaadkii horay u dhacay ee dhanka isku dheellitirka maaliyadda.
Home Wararka Kenya Wasiirka maaliyadda oo sheegay in kheyraadka horumarineed si siman loo qaybsan doono