Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha ammaanka ayaa booqasho ku tagay xadka ay wadaagaan Kilgoris oo ka tirsan ismaamulka Narok iyo deegaanka Bariga Kuria ee Migori.
Guddoomiyaha guddiga amniga iyo maamulka qaran ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Galbeedka Narok Gabriel Tongoyo ayaa ballan qaaday in ay dadaal ku bixin doonaan sidii loo adkeyn lahaa nabadgalyada degmooyinka Angata Barikoi iyo Nyaderema oo ay xasillooni darro saameysay.
Siyaasiyiinta ayaa shacabka kula hadlay suuqyada Angata Barikoi, Gwitembe iyo Kugitimo .
Sidoo kale , waxay baabuur cusub ku wareejiyeen saraakiisha ammaanka ee degmada Angata Barikoi oo lagu bogaadiyay dadaalkooda.